Farmaajo Oo Xaruntii Ciidamada Xamar Joogeen U Wareejiyay Shaqadiisa Inta Ugu Badan Iyo Dagaalkii Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Oo Durtaba Uu..

0
Monday 12th March 2018 20:58:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Xaruntii Ciidamada Xamar Joogeen U Wareejiyay Shaqadiisa Inta Ugu Badan Iyo Dagaalkii Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Oo Durtaba Uu..

    Farmaajo Oo Xaruntii Ciidamada Xamar Joogeen U Wareejiyay Shaqadiisa Inta Ugu Badan Iyo Dagaalkii Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Oo Durtaba Uu..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Oo Xaruntii Ciidamada Xamar Joogeen U Wareejiyay Shaqadiisa Inta Ugu Badan Iyo Dagaalkii Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Oo Durtaba Uu..



Muqdisho (Haleel) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ku sugan xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa halkaasi kulamo kula leh saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi ku soo dhaweeyey.





Ujeedada ayaa ah sidii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu u dhiiro gelin lahaa dardargelinta howlgalada military ee ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa horey xafiis uga furtay xarunta Wasaaradda Difaaca Dalka,halkaasi oo dhowr jeer uu ku gutay shaqo maalmeedkiisa,waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalo lagu dhiiro gelinayo Ciidanka Xoogga Dalka,si ay u dareemaan in ay haystaan taageerada madaxda Dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Farmaajo uu maalmo ka hor la kulmay xaalad ka dhex jirtay Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada oo ka dhex jiray buuq ku saabsan dhanka Mushaaraadka, kaddib markii dood ka dhalatay darajada ciidan ee Saraakiisha qaar.

Balanqaadka Madaxweynaha ee doorashadiisa ayaa ka mid aheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida, inkastoo xilligan ay ciidamada wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid tahay in aanay muddo qaadan mushaar, sidoo kalena kaalmada uu siin jiray Mareykanka uu goostay.